KU SOO DHAWAADA WARBAAHINTA CODKA NIMCADA IYO RUNTA..

Waxaynu nahay adeegayaasha Idaacadda Warbaahinta Nimcada iyo Runta.. ee ku wacdiya dadweynaha Injiilka- Fariinta  Warka Wanaagsan ee ku jira Masiixa, gaar ahaan dadyowga/ Bulshooyinka ku hadla Af- Soomaaliga ee ku dhaqan mandaqada Geeska Afrika iyo inta ka shisheysaba dunida dacaladeeda!
Boggan shabakada  Warbaahinta Codka iyo Nimcada/.. iyo walaalaha bahwadaagta la ah iyo dhamaan ururada rumaystayaasha Soomaaliyeed guud ahaan waxaa ka dhaxeeya iskaashi.
GTM/ Codka Nimcada iyo Runta waxay hawada soo gashay oo ay ku soo biirtay tabinta Akhbaarta Wanaagsan ee Injiilka ku jirta sanadku markuu ahaa 2006/7 xarunteeda Addis Ababa ee Ethiopia.
Waxaynu u  taaganahay Amaanta Ilaah inagoo si Farxad ku jirta ugu tabino wacdinta iyo gudbinta  waxbaridda Kitaabka Qudduuska muhiimaddiisa ah in ay Badbaadaan dembiilayaasha oo ay xertaasina ku koraan Ruuxa aqoonta  Masiixiyad qaangaar ah.
Taariikh ahaan, waxaynu ku xiran nahay oo aan raadraaceennu ka soo jeedaa kaniisadaha loogu yeedho Protestant qaybtooda Reformed Evangelist Churches, waxaynu si buuxda u faahfihinaa oo aan u tixraacnaa Waxbaridda Kitaabka Qudduuska keliya oo wax kale ku qasnayn!

RUMEYSADKEENA

Waxaan Rumaysanahay/Aaminsanahay:-
• In 66 ka kutub ee Kitaabka Qudduuska ka kooban yahay uu ku ahaaday Ruuxa Ilaah waana Erayo si buuxda awood ugu leh hagidda Kaniisadeenna nool. Qoraalka Qudduuskana yahay xeer beegsiga awoodda sare ee nolosheenna  oo idil maareeyn kara, inaguna filan oo uu yahay Ereyga nool Ilaah.
• Saddexnimada Ilaaha keliya iyo sinaanta Aabaha, Wiilka iyo Ruuxa Qudduuska.
• Xaqiiqda dhabta Ilaahnimada Rabigeenna Ciise Masiixa iyo xaqiiqda Runta ah ee ahaanshihiisa bani’aadnimo.
• Xaqnimada dembiilayaasha waxay ku timaadaa oo lagu helaa Nimcada Ilaah keliya, Rumaysadka keliya ee ku jirta Masiix keliya
• Ilaahay bay gaar u tahay abuurista uunka iyo waxa ku jira oo idil, quudintooda iyo samatabixintoodaba ( Sovereign and Redemption).
• Isugeynta guud ahaan asalka jiritaanka dabiiciga bani’aadmiga inuu ku dhacay dembi markii uu ku dembaabay Ilaahay hortiisii gaari karina ilaa uu dib u dhasho mooyaane.
• Waxaan rumeysanahay Eebbe, Aabbaha Qaadirka ah, ee uumay samada iyo dhulka.
 iyo Ciise Masiix, oo ah wiilkiisa madiga ah, Sayidkeenna, oo Ruuxa Quduuska ah laga uureystay, oo uu ka dhashay Maryan oo bikrad ah, oo uu ku hoos silcay Bontiyos Bilatos, oo iskutalaabta lagu qodbay, oo uu geeriyooday lana aasay. Oo  maalintii saddexaad ka soo sarekacay geeridii, aadayna samada, oo uu fadhiyo Eebbe midigtiisa, oo ah Aabbaha Qaadirka ah, oo halkaasuu ka imaan doonaa inuu xukumo kuwa nool iyo kuwa dhintayba.
Waxaan  rumeysanahay Ruuxa Quduuska, kaniisadda Caalamiga ah, kullanka awliyada, cafiska dembiyada, sarakicida jidhka, iyo nolosha weligeed ah.
• jiritaanka hubinta inuu Rabbi Ciise Masiixa keliya yahay dhexdhaxaadiyaha u dhaxeeya Ilaaha Aabaha iyo Bani’aadmiga.
• Dembiilayaasha waxay ku badbaadaan jacaylka sida ay tahay doorashada Aabaha, dhimashadii Madiga/wiilka uu ugu dhintay dadkiisii iyo hawsha dib u noolaashaha xagga Ruuxa.
• Badbaadada waxa lagu helaa oo keliya Nimcada Ilaahay oo ku timaaddo toobadkeenidda loo toobadkeeno Ilaah iyo Rumaysadka Ciise Masiixa keliya.
• Sarakicidda mustaqbalka laga sarakicin doonno geerida bani’aadmiga oo dhan iyo Xukunka uu Rabigeenna Ciise Masiixa uu ku xukumi doonno dunida.
Learn More
Digital Camera